Sida ay sheegeen dadka deeganka dagmada Qansax dheere ee Gobolka Baay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa xalay gudaha dagmadaasi laga maqlay jugta labo qarax oo ah bambaanooyinka gacanta laga tuuro kadib markii rag hubeysan ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Guriga uu magaaladaasi ka daganyahay gudoomiyaha dagmada Qansax dheere ee maamulka Koonfur Galbeed.
Wararka ayaa sheegaya in saddex kamid ah Illaalada gudoomiyaha inay waxyeelo kasoo gaartay weerarka Bambaano ee lagu qaaday guriga guddoomiyaha Qansaxdheere inkastoo an lasoo warin wax ku dhintay weerarkii xalay dhacay.
Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in weerarkaasi uu ka badbaaday gudoomiyaha dagmada oo la la maaganaa in lagu khaarjiyo weerarkaasi.
Qaraxyada ka dib ayaa la sheegay in ciidamada amniga maamulka dagmada iyo ilaalada gudoomiyaha inay rasaas fureen taas oo ay ku baacsanayeen kooxdii weerarka soo qaaday.
War lagu baahiyay bogaga Alshabaab ay ku leeyihiin internetka ayeey ku sheegteen masuuliyada weerarkii xalay ee dagmada Qansax dheere.
Dagmada Qansax dheere ee Gobolka Baay ayaa waxaa ku sugan ciidamada dowlada itoobiya oo iyagu saldhig ciidan ku leh.

