Wariye Ka Tirsanaa Idaacadda VOA oo Magaaladda Muqdisho Ku Geeriyooday.

0

Ala Ha u Naxariistee Wariye Axmed Xasan Colaad oo kamid ahaa Suxufiyiinta ka howlgasha Muqdisho,muddo dheerna la shaqeynayay Laanta Af-soomaaliga ee VOA) ayaa xalay ku geeriyooday Muqdisho.

Sida uu inoo xaqiijiyay mid kamid ah Wariyaayasha VOA-da,wariyaha ayaa la sheegay in labadii maalin ee lasoo dhaafay uu xanuunsanayay, Xaaladiisana ay sii liitaday Xalay fiidkii.

Wariyaha ayaa xalay la dhigay isbitaal ku yaala Magaalada Muqdisho,kadib markii ay xaaladiisa liidatay.

Xalay saqdii dhexe ayuu wariyaha geeriyooday isbitaalkii la dhigay.

Ala ha u naxariistee Wariye Colaad ayaa ifka ugu tagay afar Carruur ah, labo wiil iyo labo Gabdhood.

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here