Hay’adaha Amniga Oo War Kasoo Saaray Qaraxyadii Iyo Dagaalkii Xalay Ka Dhacay Muqdisho

0

Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay qaraxyadii iyo dagaalkii xalay ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdi Casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) oo la hadlay idaacadda VOA-da ayaa sheegay in weerarkaaas uu ahaa mid fashilmay,islamarkaana Ciidamadda amaanka ay toogteen raggii Al-shabaab ka tirsanaa.

Waxa uu sheegay in ragga hubeysnaa oo tiro ahaan gaarayay 5-ruux ay  doonayeen in ay galaan Xerada Dhagaxtuur  oo saldhig u ah Ciidamadda Hay’adda Nabad Sugida Soomaliya,kuna dhow xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.

Xildhibaan ayaa tilmaamay in Ciidamadda Amaanka iyo ragga hubeysnaa ay muddo saacad ku dhow ay ku dagaalameen inta u dhaxeysa Hoteelka Siyaad iyo Isgoyska Sayidka ugu dambeyna lasoo afjaray dagaalka ayagana la toogtay.

Dhanka kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdi Casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) ayaa ku eedeeyay warbaahinta Magaaladda Muqdisho in ay baahiyeen warar been abuur ahaa, markii ay qaraxyadda dhaceen.

Inta la xaqiijiyay 18-ruux ayaa ku dhimatay,20-kalana way ku dhaawacmeen 3-qarax iyo dagaal xalay ka dhacay magaaladda Muqdisho.

Mas’uuliyada qaraxyadda iyo dagaalka waxaa sheegtay Xarakadda Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here