Qoyska wiil soomaaliyeed oo dagan Canada oo ka codsaday dowladda dalkaasi, in ay kala hadasho Itoopiya sii daynta wiilkooda.
Bashiir Makhtal 49’sano jir soomaali ah kaa oo haysta dhalashada dalka Canada, kaas oo ku xiran gudaha dalka Itoopiya tan iyo bishii January 2007, markaas oo loo xiray arimo Xagjirnimo.
Qoyska Bashiir ayaa ka codsaday Ra’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau in uu wada xaajoodyo lafuro dowladda Itoopiya, si loo sii daayo wiilkooda Bashiir oo ay sheegeen in waqtigaani ay tahay kii ugu wanaagsanaa oo ay suurta gal tahay in lasiidaayo.
Xukuumada Addis Ababa ayaa ku eedeysay Makhtal in uu ahaa hogaamiye sare oo ka tirsan “ONLF” ayadoona dowladda Itoopiya ay ku xukuntay xabsi daa’in.
In kabadan toban sano ayaa laga joogaa markii dowladda Ethiopia ay sii daysay maxaabiis iyo saraakiil mucaarad ku ahaa dowladda ayadoona ay u dambaysay sii dayntii 1500 oo maxaabiis ah, kuwaas oo ay dowladda Ehtopia ay ku sheegtay in ay kamid ahayeen xubno katirsan saraakiisha Jabhada xureynta dhulka soomaali galbeed ee Itoopiya ay heysato.
Sii daynta iyo siyaasad biseelka dowladda Itoopiya ayaa ka dambaysay cadaadis farabadan oo kaga yimid dowladaha Mareykanka, Ingiriiska, Canada, iyo midowga Yurub.
Asiso Abdi oo ah xaaska Makhtal ayaa u sheegtay Al-jazeera in madaxda dowladda Itoopiya ay sheegeen in haddii sii daynta Bashiir ay kala hadasho, dowladda Canada hadi ay suura galeyso.
Aniso ayaa intaasi sii raacisay haddii Ra’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau oo kala hadlo madaxda Itoopiya ay suurta gal tahay in ay rajo wayn ka qabaan sii daayaan Makhtal.

