Weerar Lagu Dilay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo Ka Dhacay Magaaladda London

0

Weerar Tooreey loo adeegsaday ayaa xalay fiidkii lagu dilay labo wiil oo Soomaali ahaa mid kalana dhaawac culus ayaa ka soo gaaray kadib markii ay weerar kala kulmeen koox Mindiyo ku hubeysan oo  madow ah lana tuhun sanyahay inay Jameykaan yihiin.

Kooxdii dilka geysatay ayaa la sheegay in  ay wateen Gaari nooca raaxada ah, isla goobtana ay ka baxsadeen.

Koronto Aadan oo ah waalidiinta Somaaliyeed ee ku nool London eedana u aheyd mid kamid ah dhalanyaradii ladilay ayaa sheegtay in  dilka dhalanyaradaasi  loo adeegsaday Mindi.

Da’da wiilashan la dilay ayaa lagu sheegay  18-iyo 19 –sano jir, waxaana sawirro laga soo qaaday ay muujinayeen jirkooda oo ku yaalla Tooreey dhowr meel kaga dhacday.

Ciidamada Booliiska oo tagay halka dilalka iyo dhaawaca uu ka dhacay ayaa bilaabaay baaritaano ay ku sameynayaan, waxayna Isbitaal u qaadeen Wiilka Dhaawaca ah oo la sheegay in uu dhiig baxayay oo xaaladiisuna ay aad u liidato .

Hooyo Koronto Aadan ayaa sheegtay inay uur kutaalo ku reebtay weerarada loo adeegsado Tooreyda ee loo adeegsado dhalanyarada Soomaalida

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here