Ciidamadda amaanka Kenya ayaa xaqiijiyay in ay xireen rag looga shakisan yahay in ay katirsan yihiin xarakada Al-Shabaab kuwaas oo kiraystay Hotel ku yaalo Caasimada Nairobi.
Wararka ka soo baxaya llaha amaanka ayaa sheegaya, in ay gacanta ku hayaan 2 kamid ah ragii weerarkaas qorsheenayay.
Mid kamid ah dadkii weerarkaas gaystay ayaa booliska waxa ay sheegeen in uu qol ka kiraystay hotel ku yaalo ka soo hor jeedka saldhiga dhexe ee booliska kaas oo ku yaalo caasimada Nairobi, ayagoona boolisku intaasi sii raaciyeen in hoteelkaas uu u kiraysnaa 10 kii maalin ee ugu danbeeyay.
Magacyada raggan laxiray ayaa lagu sheegay, Abdimajid Adan oo 24 sano jir ah, iyo Mohamed Nane, kuwaas oo booliska khamiistii ay ka soo qabteen qolkii ay ka dagaanayeen hotelka ayadoona waqtigii la soo qabanayay, qolkooda laga helay, 5 qori oo ah nuuca Ak47 iyo booshash farabadan.
Taliyaha booliska saldhiga u dhawaa hoteelka raggan laga soo qabtay Gifinalis Barasa ayaa saxaafadda u sheegay In dadka deegaanka ay ku soo wargaliyeen waqti boolisku ay ka soo laabteen roondo ay samaynayeen, waxa uuna intaasi sii raaciyay in ugu danbayntii ay gacanta ku soo dhigeen raggan la tuhun sanyahay in ay xiriir dhaw la’lahaayeen xarakada Al-Shabaab.
Baryihii ugu danbeeyay waxaa sii kordhayay weerarada ay xarakada Al-shabaab ka gaysanayeen gudaha dalka Kenya, ayadoona dowladda Kenya dhowr jeer ku celisay in ay ka hortagi doonto weeraradaas kaga imaanayo Al-Shabaab.

