Dhaq-dhaqaaqii Ganacsiga Suuqa Bakaaraha oo Saakay Xiran!!!

0

Waxaa saakay xiran Ganacsigii Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha kadib markii Ganacsatadda ay go’aano ay soo  saareen.

Ganacsatadda Gobolka banaadir oo shalay kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen inay hakinayaan Ganacsiga guud ee magaalada, kadib markii canshuur dheeraad ah dowladda Soomaliya kusoo kordhisay, islamarkaana wax laga qaban waayay cabashooyinka ay gudbiyeen.

Waxa ay sheegeen Ganacsatadda in alaabtooda muddo 12 cisho uu uga xayiran tahay Dekedda Magaaladda Muqdisho, ugana baaba’eyso.

Sidoo kale Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa beeniyay in ay yihiin Canshuur diid islamarkaana ay horay u bixin jireen canshuurta, balse canshuurta la soo kordhiyay ay tahay mid zaa’id ah oo khasaare ku ah ganacsigooda.

Dhawaan kulan dhex-maray Ganacsatada iyo Raisul Wasaaraha Soomaliya oo uu wehliyay Wasiirkiisa Maaliyadda ayaa kusoo dhamaaday is faham waay, kaddib markii dowladda ay ku adkeysatay in lagama maarmaan ay tahay in la bixiyo canshuuro dheeraad ah oo lagu soo rogay agabyada laga soo dejiyo Dekedda Magaaladda Muqdisho oo lagu kordhiyay 5%.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here