Dhalinyaro Laga Soo Daayay Magafayaasha Liibiya oo Kusoo Wajahan Magaaladda Muqdisho

0

Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya waxaa maanta kusoo wajahan 15-dhalinayaro  Soomaali ah oo laga soo daayay dalka liibiya iyo qaar laga soo saaray gacanta kuwa wax Tahriibiya.

Dadka lasoo daayay oo u badan dhalinyaro ayaa marka hore dalka liibiya ku tagay qaab tahriib ah balse gacanta u gelay magafayaal dadka ka ganacsada.

Dhalinyaradaan waxaa ku guuleystay in xabsiyadda dalkaas laga soo daayo wafdi ka socday Dowladda Federaalka Soomaliya oo uu hogaaminayay safiirka Soomaliya ee dalalka Midowga yurub Denjire Axmed Fiqi.

Qaar kamid ah dhalinyaradda ayaa waxa ay yihiin kuwa  xanuunsanaya intooda badan,islamarkaana uu doorsoomay midibkooda,maadaama maalin waliba jir dil lagula dhaqaaqayay.

Dhanka kale waxaa jira dhalinyaro kale oo Soomali ah oo ku sugan Libiya oo laga soo daayay gacanta Magafayaasha, balse diiday in dalkooda dib loogu soo celiyo,waxayna dalbadeen in ay ka dhabeeyaan hamigooda ah gaarista Wadamada yurub.

Qaar kamid ah Dhalinyaradaan waxa ay sheegeen in si damiir ka bax lagula dhaqmi jiray ismalarkaana ay cabi jireen midba mid ka kale kaadidiisa,balse ay aad u faraxsan yihiin marba hadii laga soo daayay gacanta magafayaasha.

Gudiga dowaladda soomaliya ay udirtay soo sii deynta dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan liibiya ayaa sheegay in caruur ay kamid yihiin dhalinyarada ku xeran xabsiyadda liibiya iyo waliba kuwa gacanta ugu jira magafayaasha liibiyan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here