Xilkii Uu Ka Geeriyooday Wasiir Siraaji oo Maanta Doorashadiisa Lagu Qabanayo Kismaayo

0

Qaban qaabo ku aadan qabsoomidda Doorashada kursi ka mid ah Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka soconaysa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland,kursigaasi oo ahaa kii uu ka geeriyooday Marxuum Ex Wasiir Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji oo muqdisho lagu dilay.

Waxaa ku sugan magaalada Kismaayo guddiga doorashooyinka Qaranka,iyadoo ay  diyaarsanyihiin ergooyinkii dooranayay xildhibaankii buuxin lahaa kursigaasi oo ka bannaan Golaha Shacabka Xubnaha ku tartamaya kursigaasi ayaa wararku ay sheegayaan in uu kamid yahay wiil la dhashey marxuum Cabaas C/llahi Sheekh Siraaji,kaasi oo lagu magacaabo Maxamuud C/llaahi Sheekh Siraaji.

Waxaa ay noqonaysaa doorashadan uu qabanayo gudiga doorashooyinka Qaran tii labaad muddo todobaadyo gudohooda,iyadoo dhawaan magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeele ay ka dhacday doorashada kursigii ka banaanaa Golaha Shacabka ee deegaan doorashadiisu ay ahayd Hirshabeele,kaasi oo uu ku guuleystay Nuur Iidow Beyle.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here