Weerar Lagu Qaaday Dugsi oo Lagu Dilay 17 Ruux oo Mareykan Ah

0

Nin hubeysan ayaa lagu soo waramayaa inuu weerar khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay uu ku qaaday dugsi sare oo ku yaal gobolka Florida ee casiga dalkaasi Mareykanka.

Ugu yaraan 17-qof ayaa dhimatay kadib marlii nin 19 sano jir ah uu rasaas ku furay Dugsi sare oo ku yaalla magaalada Parkland ee gobolka Florida ee Mareykanka sida ay xaqiihiyeen ciidamada Boliiska.

Ninka looga shakusan yahay in uu geystay falkaasi ayaa waxaa lagu magacaabaa Nikolas Cruz ,kaas oo horay uga mid ahaa ardayda Dugsigaasi,ka hor inta aan laga eryin dugsigaasi.

Shilkaan ayaa ah kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca goob wax barasho marka laga yimaado weerarakii lagu dilay 26-ruux ee ka dhacay Dugsi ku yiillay gobolka  Connecticut sanadkii  2012.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here