Ugu yaraan 22 qof oo muhaajiriin ah ayaa ku dhimatay halka in ka badan 80 kalana ay dhaawacmeen kadib markii uu shil galay gaari ay saarnaayeen.
Gaariga oo ay saarnaayeen ugu yaraan, 150 muhaajiriin ah, ayaa dadka ay waxyeelada dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaartay, waxaa kamid ah Somali iyo Eritreans, ayadoona wararka lahelayo ay sheegayaan in dadka geeriyooday, ay kamid yihiin haween iyo caruur, sida ay xaqiijinayaan ilaha caafimaadka.
Markii uu shilka galayay gaarigan ayaa la sheegayaa in uu marayay deegaanka “Bani Walid” oo ku yaalo waqooyi galbeed dalka Libya.
Madaxda isbitaalka “Bani Walid” ayaa sheegaya in caawinaad yar ay soo gaarsiiyeen dadka dhaawacmay, kooxaha bulshada rayidka, ayagoona sidookale sheegay in caawinaadaas ay tahay mid aan ku filneen dadka dhaawaaca ah.
Bishan February labadeedii ee isla sanadkan, ayay ahayd markii 90 muhaajiriin ah ay dhinteen, kadib markii ay laqalibmatay dooni ay saarnaayeen, ayadoona isbuuc kasii hor dooni kale oo waday muhaajiriin gaaraya 130 ay ka geeriyoodaan dad gaaraya 40 ruux isla badda Mediterraneanka.
In kabadan 6,600 oo qoxooti muhaajiriin ah ayaa gaaray gudaha dalalka Yurub, ayadoona hay’adda caalamiga ee qaramada midoobe u qaabilsan qaxootiga “IOM” ay sheegtay in ay kor u kaceen tahriibayaasha 65 boqolkiiba.

