Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka hadlay dhaliilaha kaga imaanaya bulshada ee ku aadan Safaradda faraha badan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in safaradiisa ay faaido badan laga dhexlay, islamarkaana badankooda ay guulo kusoo dhamaadeen.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in isaga uusan madaxdii ka horeysay ku dhaliili jirin safaradda ay galaan,balse dhinacyo kale uu ku dhaliili jirey.
“Xaqiiqatan safaradda aan galo waa kuwa loo baahan yahay boqolkiiba boqol, waa safaro aan ku hormarinayno xiriirka aan la leenahay dalalka aan saaxibadda la nahay,runtii safarkii aan ku tagay kenya waa mid madaxda dalkaas aan kala hadlay in Soomalida aan lagu xanibin Degmadda Wajeer,sidoo kale safaradii aan ku tagay dalalka kale waa kuwa lagu guuleystay”, ayuu yiri Farmaajo.

