Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Soomaaliya oo Isniintii shalay kormeer ku tagay xarunta Hargaha iyo Saamaha ee magaalada Muqdisho,isagoo u kuurgalaya sidii halkaasi looga hirgelin lahaa adeegyo casri ah oo loo qabto bulshada.
Wasiir Mareeye ayaa fariin culus oo xambaarsan digniin u diray dadka burburkii kadib deegaansanayay halkaasi wuxuuna wasiir Mareeye ka digay in la boobo dhul ay leedahay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha,isago xusay in lagula xisaabtamidoono qofkasta oo ku xadgudba hantida dadweynaha,gaar ahaan dhulka Wasaaradda.
Wuxuu intaasi ku daray in dalka uu ku socdo horumar iyo maalgashi si dib loogu dhiso Warshadihii uu dalku lahaa,islamarkaanA ay shaqo ka helaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

