Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa xalay xilka kala wareegay Gudoomiyihii Hore Taabid Cabdi Maxamed Kadib Xafladd ka dhacday Xarunta Dowladda Hoose.
Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb galay ku-simaha Madaxweynaha dalka aha Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiweli Sheekh Nuur Muudeey, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeele Mudane Maxamed Cabdi Waare, Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Shacabka iyo Aqalka sare, Wasiiro, safiiro, marti sharaf iyo xubno kale oo lagu casuumay.
Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqa magaaladda muqdisho Taabid Cabdi Maxamed oo Munasaabadda ka hadlay ayaa sheegay in Maamulkiisa uu wax badan qabtay,wuxuuna u rajeeyay Gudoomiyaha Cusub in uu meeshiisa kasii wado.
Dhanka kale Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya C/wali Shiikh muudey oo munaasabadda ka hadlay ayaa bogaadiyay Gudoomiyayaashii hore ee Gobolka Banaadir oo uu sheegay in la’aantooda aan xarunta Dowladda Hoose aan lagu qaban laheyn Xafaladda Xil wareejinta.
Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Csusub ee Gobolka Banaadir Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa sheegay in maamulkiisa uu wax badan ka qaban doono, isagoo dalbaday in lala shaqeeyo.




