Ciidamada Ilaalada Liibiya oo Badbaadiyay Muhaajiriin Soomaali Ay Ku Jirto

0

Cutubyo ka tirsan Ciidamada ilaalada xeebaha  ee Libya ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen in ka badan 100 qof oo qaxooti ah oo iskugu jira Carab iyo Afrikaan sida ay sheegtay warbaahinta Libiya.

Dadkan lasoo badbaadiyay ayaa waxa sido kale ku jiray haween iyo carruur kuwaas oo loo wareejiyay xarunta Tajoora ee lagu hayo dadka ee ku taala meel ka baxsan magaalada Tripoli.

War qoraal ah ayaa lagu cadeeyay in howlgalkaan uu ka dhacay xeebta magaalada Abu Kamaash ee waqooyiga-bari ee Tripoli, waxana dadkani ay saarnaayeen doon yar oo ka sameeysan caag, waxaana kamid ahaa dadkani 15 haween ah iyo 9 carruur ah.

Madaxa golaha madaxtooyada ee xukuumadda dib-u heshiisiinta qaran Faa’iz Al-Saraaj ayaa sheegy dhammaadkii bishii November ee lasoo dhaafay in tirada qaxootiga Libiya ku sugan ay dhaafeen nus million  Al-Sarraj oo soo xiganaya tirakoobyada rasmiga ah ee gudaha iyo kuwa caalamiga ah, ayaa sheegay in dadkani ay kasoo jeedaan 24 dal oo 95% ay yihiin Afrikaan.

Libiya ayaa waxay noqotay afaafka ugu weyn ee qaxootiga Afrikaanka ah ee u guclaynaya inay gaaraan Yurub iyaga oo ku socdaalaya badda,waxana hilinkani uu noqday mid ay adeegsadeen in ka  badan 150 kun oo qof saddexdii sanadood ee la soo dhaafay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here