Kooxo hubeysan ayaa goordhaweyd waxa ay dil ka geysteen gudaha Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.
Dilkaan ayaa ka dhacay Suuqa Barkaaraha gaar ahaan agagaarka Sarta Isboortiga oo Saaran Wadada Shirkadaha oo is ku xirta Isgoysyadda Howlwadaag iyo Baar-ubax.
Ragg ku hubeysnaa bastooladdo ayaa la sheegay in ay madaxa ka toogteen nin odey ahaa oo da’diisa lagu qiyaasay 52-sano jir.
Dilka kadib waxa goobta soo gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaliya.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga waxa uu ahaa ninka odeyga ahaa ee caawa lagu dilay Gudaha Suuqa Bakaaraha.




