Maxaabis Soomaliyeed oo Laga Soo Daayay Hindiya oo Caawa La Keenay Muqdisho

0

Diyaarad siday 41-kamid ahaa maxaabiis Soomaali ah oo ku xirnaa xabsiyo ku yaala dalka Hindiya ayaa caawa soo gaartay magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa u dirtey diyaarad gaar ah in dalkooda lagu keeno maxaabiistan Soomaliyeed.

Waxaa la socday maxaabistaan Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka  Soomaliyed Dr Axmed Cali Daahir, Safiirka Soomaaliya ee dalka Hindiya iyo xubno kale.

Garoonka Diyaaradaha Maxaabiista Soomaaliyeed waxaa ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya  Mahad Cabdalla Cawad, Wasiirka Amniga, Wasiirka Cadaaladda, Wasiirka Caafimaadka, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa ku tilmaamay dib u soo laabashada dhalinyaradan inay tahay guul kale oo u soo hoyatay Soomaaliya.

Maxaabistaan caawa la keenay Magaaladda muqdisho ayaa dalka Hindiya ku xirnaa illaa iyo sanadkii 2011-kii,waxayna ku eedeysnaayeen falal burcad badeednimo.

Sanadkii aynu soo dhaafnay waxaa heshiis dhex-maray Dowladdaha Hindiya iyo Soomaliyeed kaasi oo la xiriiray isdhaafsi Maxaabis.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here