Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo) iyo wafdi uu hor kacayo ayaa waxa ay goordhaw gaareen Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo aya wax yar ka hor gaaray Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, halkaasi oo dadka ku dhaqan ay sameynayaan soo dhaweyn xoogan oo ay ku doonayaan iney ugu muujiyaan Madaxweynaha Soomaaliya faraxda ay u qabaan soo gaaristiisa.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa soo dhoweeyay dadweyne fara badan iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug, gaar ahaan kuwooda ku sugan degmad gurceel ee gobalkaasi.
Madaxweyne farmaajo oo ay safarka ku wehliyaan xubno ka mida dowladda dhexe,Dowlad goboleedyada dalka, maamulka Galmudug iyo Beesha caalamka ayaa la filayaa inay kulamo la qaataan masuuliyiinta degmada Guriceel oo horay uu uga jiray Ahlusunna, balse haatan la midoobay Galmudug.

