Maamulka Jubbaland ayaa Xaqiijiyey inay ku dhawaad 40-Dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab ay ku Dileen Weeraro Qorshaysan oo ay Fuliyeen Ciimada Komaandooska Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland oo ka dhacay Deegaano ka tirsan Gobalka Juba Hoose.
Wasiirka Wasarada Amniga Dawlada Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo Shir Jaraa’iid ku qabtay Magaalada Kismaayo ayaa hadlay howlgaladii ugu danbyeye ee Ciidamada Jubbaland aya ka sameeyeen Deegaanada beerxaani ,kaanjiroon Araaro iyo Jamaame kuwaasi guulo wax ku ol ah ay ka gaareen Ciimada Dowlad Goboleedka jubaland iyo kuwa xooga dalka Soomaaliyeed.
Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa intaasi ku daray in uu sii socon doono howlgalka lagu la dagaalamayo Al shabab, waxaana uu ugu baaqay shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada ay ka socdaan howlgalka in ay garab istaagaan ciidamada si loo soo afjaro Al-shabaab.

