Ethiopia oo Xabsiga Ka Sii Deysay Hogaamiyaha Mucaaradka Dalkaasi

0
Guddoomiyaha mucaaradka ee xisbiga Oromo Federaalist Congress (OFC), Merera

Hogaamiyaha mucaaradka Itoobiya Merera Gudina ayaa xabsiga laga sii daayay kadib markii uu xirnaa mudo ku dhaw sanad uu u xirnaa, sida ay baahiyeen warbaahinada ka howlgala dalkaasi.

Sii daynta hogaamiyaha mucaaradka ayaa timid laba todobaad kadib markii Ra’iisul Wasaaraha itoopiya Hailemariam Desalegn uu ku dhawaaqay in ay la laabanayso dacwadaha loo heysto siyaasiyiinta maxaabiista ah” ama cafis loo fidinayo” si loo hagaajiyo wadaxaajoodka qaran

Xukuumadda Itoobiya ayaa ilaa hadda cafis u fidisay in ka badan 500 oo qof oo la xiray kacdoonkii dibadbaxyada balaadhnaa oo ka dhacay gobolka Oromiya bishii Nofeembar ee Sanadii 2015.

Guddoomiyaha mucaaradka ee xisbiga Oromo Federaalist Congress (OFC), Merera, Gudina ayaa lala sii daayay in ka badan 100 qof oo kale oo kula jiray xabsiga Kilinto oo ku yaal duleedka caasimadda, Addis Ababa. Qaar ka mid ah 360 qof oo kale ayaa la soo sheegay in laga sii daayay xabsiyada koonfurta dalka.

Gudina oo kula hadlay wariyeyaasha meel ka baxsan xabsiga federaalka, ayaa ugu baaqday xukuumadda in ay “wadaxaajood daacadnimo ah” la yeelato ururada siyaasadeed ee kasoo horjeeda.

“Way fiicnaan laheyd haddii dawladdu ay wadahadal toos ah la yeelato xoogagga siyaasadeed ee leh taageero weyn, si loo abuuro dimoqraadiyad dalka Itoobiya,” ayuu u sheegay wakaaladda ee Fana.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here