Dab Qasaare Dhaliyay oo Goordhaw ka Kacay Magaalada Muqdisho

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya deb qasaare dhaliyay oo maanta ka kacay guri ku yaal magaalada muqdisho gaar ahaan xaafad kamid ah degmada yaaqdshid ee gobalka banaadir.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaabka uu dabkaan u kacay iyo qasaaraha uu geystay intaba, wararka qaar ayaa sheegaya inuu dabkaan ka dhashay koronto guriga ku jirtay, halka kuwa qaar ay sheegayaan in dabkaasi uu ka dhashay qeybta jikada ee cuna karinta gurigaasi.

Ilo dadka deegaanka oo lasoo xiriiray Simba radio ayaa sheegay in dabkaasi uu burburiyay gabi ahaanba guriga, alaabtii dhaxtaalayna gabi ahaanba ay halkaasi basbeeshay.

Sawiro laga soo qaaday guriga ayaa muujinayay bur bur xoogan oo ka muuqda guriga uu dabka ka kacay.

waxii kusoo kordha dabkaasi kala soco WWW.SIMBANEWS.COM

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here