Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa goordhweyd gaaray woqooyiga Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Garoonka diyaaradaha C/laahi Yuusuf waxaa madaxweynaha Puntland kusoo dhaweeyay,saraakiil, mas’uuliyiin iyo dadweyne.
Waftiga madaxweynaha ayaa horudhac u ah, wafdi kale oo goor dhow la sugayo oo u hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.
Diyaar garow weyn ayaa ka muuqda garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yusuuf ee magaalada Gaalkacyo ee Gobolka mudug.







