Waxaa dagan Xaaladda deegaan-ka lagu magacaabo God Qaboobe oo ku dhow deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool oo maanta ay ku dagaalameen Ciidamo kala taabacsan maamuladda Puntland iyo Somali-land.
Taliyaha ciidanka kumaandoosta Puntland Korneyl Jimcaale Jaama Takar ayaa waxa uu sheegay inaanu jirin khasaare dhinacooda kasoo gaarey dagaalkii saaka dhexmarey iyaga iyo Ciidamadda Maamulka Somaliland.
Labada ciidan Somaliland iyo Puntland oo iminka kala fadhiya duleedka magaalada Tukaraq wuxuu sheegay taliye Jimcaale in Puntland jawaab ka bixin doonto saacadaha soo socda weerar gaadmo ah oo uu sheegay inuu kusoo qaaday maamulka Somaliland.
Xaalada labada dhinac ayaa iminka degan wallow lagu sifeyn karo jawiga ka jira duleedka Tukaraq saansaan dagaal iyo colaad.

