Kulankii Guddiyada joogtada ee Golaha shacabka oo maanta ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa lagu dhaariyay Wasiirada cusub ee Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Ganacsiga iyo Warshadaha oo uu dhawaan soo magacaabay raisulwasaare xasan Cali Kheyre.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir ayaa lagu hor dhaariyay Guddoonka Golaha shacabka iyo Guddiyada Joogtada.
Kulanka Guddiyada joogtada Golaha shacabka ayaa waxa shir gudoominayay Gudoomiyaha Golaha shacabka baarlamanka Federaalka Soomaliya maxamed Shiikh cusmaan jawaari, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen xubnaha 15-ka Guddi iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada.
Intaas kaddib ayaa Wasiirada la dhaariyay waxay kulan la qaateen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xasan Cali Kheyre, isagoo ku wargeliyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay xilka ula wareegaan.
4-tii bishaan oo khamiistii aheyd ayaa la magacaabay Saddexda Wasiir ee cusub.





