Wararka ka imaanaya Degmadda balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Dowladda Soomaliya iyo Al-shabaab in uu ka dhacay duleedka Degmadaas.
Dagaalkaan ayaa shalay galinkii dambe ka dhacay deegaan lagu magacaabo Gololeey oo qiyaastii 7KM dhanka waqooyi uga beegan degmada Balcad.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen daryanka madaafiicda iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay.
Ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa la xaqiijiyay in ay wadada ugaleen kolonyo katirsan ciidamada melleteriga dowladda Federaalka oo kasoo amba baxay Magaaladda Jowhar kuna soo jeeday dhanka Muqdisho.
Ilaa haatan lama sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay dagaalkii shalay ka dhacay Duleedka Degmadda Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

