Madaxweynaha Somali-land oo Safarkiisa Ugu Horeeyay Ku Tagay Jabuuti+Sawirro

0

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta safarkiisii ugu horeeyay ku tegey dalka Jabuuti.

Safarka madaxweynaha ayaa qaadan doona maalmo kooban waxaana martiqaad rasmi ah u soo diray madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Biixi ayaa la kulmay Madaxweyaha dalka Jabuti  Ismaaciil Cumar Geelle iyagoo wadahadlo  ku yeeshay madaxtooyada Jabuuti.

Kulankan ayaa labada mas’uul waxa ay ugaga wadahadleen sii xoojinta xiriirka u dhexeeya,waxaana kulankan goobjoog ka ahaa qaar kamid ah golaha wasiirada labada dhinac.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here