Dowladda Mareykanka ayaa Pakistaan ka jaraya ku dhawaad dhammaan kaalmada dhanka ammaanka ee uu dalkaasi siiyo, waxaa uuna Pakistan ku eedeeyay in ay ku guul dareysatay in ay wax ka qabato ururada mintidiinta ee Alqaacidda iyo kuwa kale ee ka howlgalada xuduudaha dalkaasi.
Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in ay xayiraaddaasi sii jiri doonto ilaa iyo inta xukuumada Islamabad ay tallaabo ka qaadeyso Ururada Haqqani, Alqaida iyo Taalibaanka Afqaanistaan.
Inkasta oo Pakistan “dhab ahaantii naga caawiyeen xaaladaha qaar,” ayay tiri, balse ma qaadaan tallaabooyinka loo baahanahay si ay ula dagaallamaan ururada mayalka adag”
Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegin wax maluumaad ah oo ku saabsan inta a dhantahay lacagta gargaarka oo ay jaranayaan balse sargaal ka tirsan wasaarada oo aqoonsigiisa qariyay ayaa sheegay in lacaga ay dhantahay $255 million.oo doolar la siin jiray Pakistaan.

