Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in goor dhaweyd ay dabley hubeysani toogasho ku dileen sarkaal ka tirsan kuwa Puntland gaar ahaan kuwa jooga dekada magaalada boosaso, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen idaacadda simba ee Magaalada Muqdisho.
sarkaalkaan la dilay ayaa la sheegay inuu ku sugnaa afaafka hore ee dekada Magaalada Boosaaso ee Puntland, halkaa oo dabley ku hubeysnaa bastoolado rasaas ay la dhaceen sarkaalka oo tagnaa irida hore ee laga galo dekada magaaladda boosaaso ee Xarunta gobalka bari,
Dableydii falkan geysatay ayaa baxsaday, mana jirto ilaa iminka wax war ah oo ay mas’uuliyiinta Puntland oo ku aadan dilka loo geystay sarkaalkan, balse ciidamo fara bdan oo is kugu jiro Boolis iyo kuwa amaanka ayaa gaaray goobta dilka loogu geystay sarkaalka, halkaa oo ay ka baadi goobanayaan ragii ka danbeeyay dilka magaaladda loogu geystay sarkaal kamid ahaa ilaalada dekada M-Boosaaso
Dhanka kale majirto ilaa iminka cid sheegatay mas’uuliyada dilkan loo geystay sarkaalkaan oo kamid ahaa ilaalada dekada Magaaladda Boosaaso, balse xiriiro idaacada Simba ee Magaaladda Muqdisho ay la sameysay saraakiisha ciidamada amaanka Magaalada Boosaaso ayaa ka gaabsaday iney ka hadlaan dilka maanta magaaladda loogu geystay sarkaalkaan oo kamid ahaa ilaalada dekada Magaalada boosaso.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa intaa ku daraya in ciidamada Amaanka Boosaaso ay wadaan howlgalo lagu soo qab qabtay dad badan oo looga shakisan yahay iney ka danbeeyeen dilkan loo geystay sarkaalkan oo kamid ahaa ilaalada gaarka ee dekada magaalada boosaaso ee xarunta gobalka bari ee Puntland
Weeraro iyo dilal qorsheysan oo sidaan oo kale ah oo ka dhacay deegaanada iyo degmooyinka gobalka bari ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Xoogaga Al-shabaab ee ka dagaalama booraleyda goolis ee G/bari.

