Ciidamada Militariga Iyo kuwa Booliska Kenya Oo Heegan La Galiyay iyo Weeraro Laga Cabsi Qabo

0
Ciidamo katirsan Militariga dowladda kenya

Saraakiisha Ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay iney feejignaan dheeri ah ay geliyeen Ciidamada amaanka Waqooyi bari Kenya ka dib markii Kenya ay ka war heshay Dagaalamayaal ka tirsan Xarakada  Al-Shabaab gaar ahaan garabkooda ka dagaalama gudaha kenya iney damacsan yihiin weeraro xoogan.

Ciidamo dheeraad ah oo isugu jira Boolis iyo Militari ayaa lagu xoojiyay deegaanka Elwak-Kotulo iyo wadada dheer ee xiriirisa magaalada Mandheera iyo deegaankaasi oo shacab Soomaaliyeed ay dagaan.

Sarkaalka u hadlay Booliska Mandheera oo lagu magacaabo Daniel Bundotich,ayaa warbaahinta Kenya u sheegay iney doonayaan iney xakameeyaan weerarada kaga yimaada Al-Shabaab-ka ka dagaalama Gobolka Waqooyi bari,sidaasi daraateedna Ciidamo badan aan ku geynay deegaano duleedka ka ah degmada Mandheera si looga hortago falal lidi ku ah amaanka oo ka yimaada Al-Shabaab”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr Daniel Bundotich.

xoogag looga shakisan yahay Xarakada Al-Shabaab ayaa talaadadii la soo dhaafay dilay afar sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Booliska Kenya oo roondeynayay wadada Elwak-Kotulo oo ka tirsan d-Mandheera.

Ciidamo Booliska iyo Militariga loo diyaariyay ka hortaga weerarada Xarakada Al-Shabaab ayay Saraakiisha Ciidamada Booliska Kenya ay sheegeen iney aad u hubeysan yihiin,kuwaasoo u dhameystiran Qalabkooda Ciidan si ay kaga hortagaan dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ay ka wadaan dhulka kenya.

Dagaal yahanada Al-shabaab gaar ahaan qeybtooda ka howlgasha dhulalka kenya aya weeraro dhiig badan ku daatay waxa ay ka fuliyeen gudaha iyo xuduudaha dowladda kenya, waxeyna inta badan bartilmaameedsadaan Mas’uuliyiinta iyo ciidamada dowlada, dadka masiixiyiinta kenyaanka ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here