Maxkamadeynta C/raxmaan C/Shakuur oo Maanta Dib u Furmaysa, Xili Qoraal uu Soo Saaray

0

Maxkamadeynta Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa maanta dib ugu furmaysa xarunta Maxakamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir.

Sida uu horey u sheegay Gudoomiyaha Maxakamadda Racfaanka Gobolka Banaadir  Shiikh Ibraahim ayaa dhawaan sheegay in dhageysiga kiiska Siyaasiga la furi doono maanta oo arbaco ah islamarkaana laga doonayo labada dhinac in ay maxkamadda soo xaadiraan.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame ayaa soo saaray shalay warsaxaafadeed uu ku sheegay in aysan jirin dacwad sharci ah oo lagu haysto, waxaana uu ku eedeeyay Xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir in uu ku soo oogayo dacwad siyaasadeysan,islamarkaana uu adeegsanayo awoodaha madaxda dowladda.

Sidoo kale Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame ayaa sheegay in aysan jirin wakiilo uu u magacowday dacwadda lagu soo oogay, islamarkaana aysan jirin dacwad sharci ah oo lagu haysto.

Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir ayaa 21kii bishii December waxa uu amray in la sii daayo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur oo xilligaa damaanad ku joogay banaanka waxana uu xukmiyay in aan racfaan laga qaadan karin dacwada loo haystay siyaasiga.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here