Akhriso:-Al-Shabaab oo Degmadda Kuntuwaarey Ku Toogtay Shan ruux

0

Al-shabaab ayaa Xukun dil ah kula fuliyay Degmada Kurtunwaarey ee Gobolka Shabeellaha hoose shan nin,kuwaas oo lagu eedeeyay in ay u shaqeynayeen Sirdoonka dowlada Soomaaliya,Amisom,Itoobiya iyo Kenya.

Fagaare ku yaallo Kuntuwaarey ayaa la isugu yeeray dadka deegaanka.

Ragga Shabaabka ay dileen ayaa waxa ay ku kala eedeeyeen inay la shaqeynayeen, Dowladda Somaliya, Itoobiya iyo Kenya.

Halkaan Hoose ka akhriso Magacyadda

1-Cabdi Qaadir Cumar Xasan oo da’diisu aheyd 23 jir, laguna eedeeyay inuu la shaqeynaayay maamulka Degmada Qoryooley.

2-Cabdi Qaadir Shukri Xasan oo da’diisa aheyd 30, laguna eedeeyay inuu la shaqeynaayay Sirdoonka Dowladda.

3-Muxamed Abshir Cali oo 35 jir ah, laguna eedeeyay inuu la shaqeynaayay ciidamada Itoobiya.

4-Cali Axmed Sheekh Cali oo da’diisu aheyd 30 waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynaayay Sirdoonka Dowladda.

5-Cali Yuusuf Axmed oo loo yaqaano Jacfar Dheere oo Da’diisu aheyd 36 Jir  wuxuu la shaqeynayay Dowladda Kenya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here