Xoghayaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa sheegay in maanta oo sabti ah ay kulan ka yeelan doonaan faragelin ay Kenya ku heyso xuduuda Soomaaliya gaar ahaan xuduudka dhaca Gobolka Gedo.
Waxa uu ku amaanay dadka ku nool degmada Balad Xaawo sida ay uga dhiidhiyeen xadgudubka dowladda Kenya,waxa uuna sheegay in dhawaan dowladda Soomaaliya wefdi u diri doonto degmada Balad Xaawo.
Degmadda Balad Xaawo ee gobolka Gedo waxaa taagnaa maalmihii dambe xiisad u dhaxeysay Ciidamada Kenya iyo Shacabka ku nool degmadaas taas oo ka dhalatay kadib markii dowladda Kenya ay iskudayday in ay markale bilaawdo dhismaha derbiga.
Dhanka kale mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Jubba-land oo halkaas gaaray ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Soomaliya in ay wafdi usoo diraan halkaas si ay u arkaan xadgudubka Dowladda Kenya ay kawada xuduudka.

