Weerar Madaafiic Ah Oo Lagu Qaaday Saldhiga Ciidamada Itoopiya ee Xudur

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Xudur ee xarunta gobalka Bakool waxey sheegayaan in tiro madaafiic ah lagu weeraray saldhiga Ciidamada dowladda Itoobiya ay ka sugnayeen degmadaasi.

ilo dadka deegaanka ayaa idaacada Simba ee M – Muqdisho u xaqiijiyay iney maqlayeen jug xoogan oo u eg madaafiic, balse aysan kala garan karin halka lagu weerarayay iyo qasaaraha ka dhashay inta ba.

wararkii ugu danbeeyay ayaa intaa ku daraya madaafiicdaasi iney ka danbeeyeen rag looga shakisan iney yihiin  Al-shabaab, inkastoo wali wax war ah uusa kasoo bixin dhanka shabaab ee ku aadan duqeyntaasi.

War qabadka idaacada Simba ee Magaaladda Muqdisho oo la xiiiray saraakiisha Ciidamada Militariga maamulka koofur galbeed Soomaaliya ayaa ka jawaabin taleefanadii aynu kala xiriirnay.

waxii kusoo kordha duqeyntaasi kala soco   Www.SimbaNews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here