Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibrahim (Xaliimo Yarey) oo wareysi gaar ah siisay Idaacada Simb ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gudigooda hada ay bilaabeen qorshihi dadka ay ugu wargelin lahaayeen in dadka ay u diyaar garoobaan doorashada lafilayo in 2020 ay ka dhacdo wadanka Soomaaliya.
Xaliimo yareey ayaa sheegtay tilmaamtay in gobolada dalka ay ka wadaan wacyogelin iyo sida dadka lagu fahansiin lahaa habka loo mari karo doorashada qof iyo cod.
Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo yareey ayaa sheegtay hada in ay dhaqan gelinayaan heshiiski Madaxda qaranka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka ay guddiga doorashooyinka kaga codsadeen lasoo qiimeeyo qaabka doorashada ay u dhici karto iyo bulshada la baro qaabka ugu fudud ay uga qeyb qaadan karaan.
Xaliimo yareey ayaa sheegtay shacabki ay kula kulmeen gobolada dalka in ay qabaan rajo ku aadan in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, waxa ayna tilmaamtay in dadka ay u bisilyihiin in hogaanka mustaqbalka iyaga ay soo doortaan.
Ugu danbeynti Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibrahim (Xaliimo Yarey) ayaa ugu baaqday shacabka soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan wanaaga islamarkaana dadka ay ka fogaadaan waxyaabaha dib u dhaca dalka gelin karo.
HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA XALIIMO YAREEY

