Wasiirada Cusub ee Hirshabeelle Maxey ka Dhaheen Ansintooda “Dhageyso”

0
Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Hir-shabeelle

Xili ay shalay ansiyeen xildhibaanada hirshabeelle golaha wasiirada cusub maamulkaasi, waxaa arintaasi soo dhaweeyay wasiirada cusub ee hirshabeelle.

Waiirka Gadiidka cirka iyo dhulka Maamulka hirshabelle C/laahi maxamed rooble oo wareysi siiyay Idaacada Simba ee magaalada muqdisho ayaa arin guul ah waxa uu ku tilmaamay ansixinti ay ka heleen xildhibaanada baarlamaanka hirshabeelle.

Wasiirka ayaa sheegay in go’aanka baarlamaanka uu tusinayo in howshi loo idmaday ay gudan lahayeen si wax ay kaga badalaan xaalada ka jirta deegaanada hirshabeelle.

Waiirka Gadiidka cirka iyo dhulka Maamulka hirshabelle ayaa sheegay in waxqabad wanaagsan ay la imaandoonaan si bulshada hirshabeelle ku dhaqan kalsooni wanaagsan kaga kasbadaan.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA WASIIRKA 

120107_006

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here