Baarlamaanka Hir-shabeelle oo Maanta Codka Kalsoonida u Qaadaya Golaha Wasiiradda

0

Xildhibaanadda baarlamaanka maamulka Hir-shabeelle ayaa saakay lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan magaaladda jowhar ee caasimadda maamulkaas.

Kulanka maanta ayaa lagu wadaa in Xildhibaanada la horgeeyo Golaha Wasiirada uu dhawaan Madaxweyne Waare uu dhisay.

Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hir-shabeelle ayaa lagu wadaaa in ay codka kalsoonida u qaadaan Golaha Wasiirada.

Qaar kamid ah xildhibaanadda baarlamaanka maamulka Hir-shabeelle ayaa sheegay In ay maanta ay u badan tahay in wasiiradda cusub uu soo magacaabay Madaxweyne  Maxamed Cabdi waare la meel mariyo.

Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle ayaa dhawaan magacaabay Golle wasiirro oo ka kooban 57-xubin waxaana iscasilay  3-wasiir oo ka mid ahaa Xubnihii la magacaabay.

Amaanka Magaaladda Jowhar ayaa saakay si weyn loo adkeeyay waxaana magaaladda lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM Iyo kuwa Dowladd Goboleedka Hir-shabeelle.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here