Kenya oo Ka Hortagtay Muwadiniinta u Dhalatay Wadankeeda ee Ku Biiri Jiray Al-shabaab

0

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in sanadii hore ee 2016-kii  in Xarakada Al shabaab ay ku biireen 44 ka tirsan ardayda dalkaasi gaar ahaan kuwa jaamacadaha dhigta, balse booliiska dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen in tiradaan ay hoos u dhacday.

14 dhalinyaro ah ayaa ku biiray dagaalyahanada Al shabaab tan iyo bilowgii sanadkaan 2017 waxaana ay xuseen laamaha amniga dalkaasi in ay ugu wacantahay hoos dhacaan kadib markii howlgalo ka dhan ah dagaalyahanada Al shabaab ay fuliyeen.

Waxaana laga hortagay muwaadiniin kenyaan ah oo doonayay in ay kamid noqdaan Xarakada Al shabaab iyadoo qaarkood lagu qabtay howlgalo ay wadeen ciidamada amaanka xog ay ka helaan shacabka kenyatiga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here