Dowladda Soomaaliya Ma Isku Filantahay Bixitaanka Amisom Kadib+Dhageyso

0

Korneel Cabdi Barre Aadan oo kamid ahaa sarakiishii hore ee Dowladii Malatariga aheyd ayaa  ka hadlay saameynta ka dhalan karta hadii Ciidamadda Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ka baxaan.

Isagoo la hadlay barnaamijka bartilamaameedka idaacada Simba ayuu sheegay in dhibaato badan laga dhaxli doono bixitaanka  ciimadama AMISOM,madaama Ciidamadda Xoogga dalka Soomaliyeed aysan u diyaar saneen la wareegitaanka amaanka guud ahaan dalka.

“Saameyn ayaa ka dhalan doonta bixitaanka Ciidamada Amisom gudaha Soomaliya,balse hadii ay daacadnimo muujyaan madaxda dalka waxay taasi ay keeni kartaa in Ciidamadda Xoogga dalka Soomaliyeed in ay la wareegaan guud ahaan amaanka dalka islamarkaana laga guuleysto Ciidamadda Al-shabaab”, ayuu yiri korneel cabdi bare aadan.

Sidoo kale Korneel Cabdi Bare Aadan ayaa fikir wanaagsan ku tilmaamay Ciidamadda ka imaanaya Maamul Goboleedyadda, kuwaasi oo loogu talagalay in ay ka qeyb qaataan dagaalka Al-shabaab, iyo nabadeynta guud ahaan dalka.

Sanadkaan dhamaadkiisa 100-askari oo ka tirsan Ciidamadda AMISOM ayaa ka baxaya Soomaliya kuwaasi oo horudhac u ah Ciidamadda  AMISOM oo Soomaliya ka baxaya sanadka 2021-ka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here