Kooxo hubeysan ayaa xalay Degmadda Xamar weyne gaar ahaan Shaneemo Super waxa ay ku dileen wiil dhalinyaro ahaa.
Wiilka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay C/fitaax Ayaanle wuxuuna kamid ahaa dhalinyaro dhawaan laga qoray dagmada xamar weyne kuwaasi oo mamulka gobolka shaqooyin ubalan qaaday.
Ragii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday waxaana goobta gaaray ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaliya oo halkaas ka sameeyay baaritaano lagu baadi-goobayay kuwii ka dambeeyay dilka.
Al-shabaab ayaa horey u sheegay in ay qaarijin doonaan dhalinyaradda Maamulka Gobolka Banaadir ee dowladda Soomaliya uu shaqaalaysiiyay.

