Nin Loo Xiray inuu Qorsheynayay Inuu Weerar Argagixiso Ka Geysto Mareykanka

0

Nin horey uga tirsanaa ciidamadda badda ee Mareykanka ayaa lagu xiray magaalada San Francisco isagoo lagu eedeeyay in uu qorsheynayay inuu geysto weraar argagixiso maalinta ciida masixiyiinta.

Cadeymo la helay ayaa sheegayaa in Everitt Jameson u qorsheynaayay in uu bartilmaamedsado goob mashquul ah oo badanaa ay tagaan dalxiisayaasha, isagoo ay dhiira gelinaayan baa la yiri kooxda iskugu yeerta dowladda Islaamiga.

Nin lagu sheegay magaciisa Everitt Jameson oo 26 sano jir ah ayaa lagu eedeeyay inuu doonayay inuu adeegsado walxaha qarxa si uu ugu bartilmaameedsado goob ay dadku ku badan oo loo yaqaano Pier 39, halkaasi oo ah mid ka mid ah goobaha ugu caansan ee loo dalxiis tago ee ku taalla magaalada San Faransisco.

Sida ay muujiyeen waraaqo maxakmadeed ,Jameson ayaa si taxadar la’aan ah umuujiyay qorshayaashii waxa uuna u sheegay hay’ada mukhaabaraatka FBI-da inuu rumeysan yahay inuu yahay hoggaamiye sare oo ka mid ah kooxda isugu yeerto dowladda Islaamka ee IS.

Waxa uu sidoo kale u sheegay hay’adda FBI-da in “xiliga masiixiyiinta ay tahay waqtiga ugu wanaagsan ee weerar la qaado,” waxa uuna ku dhawaaqay in uusan u baahneyn inuu baxsado sababtoo ah “waxa aan diyaar u ahaa inaa dhinto.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hoyga ninkaan oo horey uga mid ahaa ciidamadda badda Maryekanka ayaa hay’ada FBI-d ay weerartay maalintii Arbacada, halkaasi oo ay hay’addu kasoo heshay waxyaaba muujinayay inuu isqarxin rabay sida rasaas iyo hub kala duwan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here