Boqolaal ciidamo kenyaan ah oo wata gadiidka dagaalka ayaa saakay waxa ay soo galeen degamada baladxaawo ee gobalka gedo halkaasi oo ay saakay ka wadaan dhismaa darbiga ay ka dhiseyso Xuduud banaadka ay Somaaliya iyo kenya ay wadaagaan.
Ciidamada ayaa sakay waxey sameynayaan dhaq dhaqaaq xoogan, kuwaa oo silig ku kala baraya kheybo kamid ah Magaaladda Baladxaawo ee Gobalka Gedo kuwaa doonayana iney ku darsadaan darbiga ay ka dhisayaaan xuduud beenaadka ay Somaaliya la wadaagto dowladda Kenya.
Ciidamadaan ayaa la sheegay iney beeboooyin dul marinayaan guryaha qaar iyo sidoo kale masjid ku yaal halkaasi sida dad badan oo iskugu soo baxay arintaasi ciidamada kenya ay ka sameynayaan magaaladda gudaheed dadkaa oo la hadlay Xarunta dhaxe ee idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho.
Cabdi cali muxumad Taliyaha howlgalinta Ciidamada Xooga dalka ee deegaanada G/gedo oo la hadlay idaacada Simba ayaa sheegay iney ciidamada dowladda kenya sakay ay wadaan dhul balaarsi kuwaa oo kala bar magaaladda balad-Xaawo ku jaraya silig, taliya ayaa sheegay meelaha ay sida gaarka iminka ugu jareen siliga ayuu ku sheegay Xarunta socdaalka iyo jinsiyadaha ee Magaaladaasi, waxuuna taliyaha intaasi ku daray inuu baaq u dirayo gudoonka labada aqal iyo madaxda dalka iney arintaan soo fara galiyaan hadii kale ay u arkayaan inuusa dalka laheen dowlad wax ka qabata dhibaatada ciidamada kenya.
Waxaa dhan kale shacabka ku dhaqan Magaalada Balad-Xaawo ay sakay sameynayaan dhibad baxyo rabshada wata oo shacabka dhagxaan ku tuurayaan ciidamada kenya ee wada dhul balaarsiga kuwaa oo silig ku kala jaraya magaalada gudaheeda, doonayana iney ku darsadaan xuduud beenaadka labada dal.
Baaralamaankii 10 ee Soomaaliya ayaa kaso horjeystay dhaq dhaqaaqa iyo darbiga ay ka dhisayaan Dowlada kenya xuudada aan sharciga aheyn labada dal wadagaan, una aqoonsaday Xuduuud beenaad.
Cabdi cali muxumad Taliyaha howlgalinta Ciidamada Xooga dalka ee Gobalka Gedo

