Warbaahinta ku hadasha afka xarakada alshabaab ayaa lagu baahiyay warar sheegaya in ciidamo katirsan shabaab ay weerar y ka fuliyeen degmada kaaraan ee magaaladad Muqisho, lagu dilay tiro askar katirsanaa Ciidamada dowladda ee ka howlgala caasimada Somaaliya ee Muqisho.
Alshabaab ayaa sheegay laba weerar oo ciidamada gaarka ee howlgalada shabaab ee Magaaladda Muqdisho ay fuliyeen lagu dilay sadax askari oo katirsanaa ciidamada dowladda ee degmada kaaraan.
Warbaahinta ku hadasha afka Al-shabaab ayaa sheegtay in laba weerar oo loo adeegsaday Bam gacmeed lagu dilay sadax askari tira kalana lagu dhaawacay, shabaab ayaa sheegay iney howlgaladaasi ay ka kala fuliyeen saldhiga degmada Kaaraan iyo xarunta maamulka degmada Shibis, labadaasi weerarna ay ku dileen ilaa iyo sadax askari oo katirsanaa Ciidamada Dowlada Soomaaliya.
Dhanka kale saraakiisha ciidamada dowladda ee magaalada muqdisho oo la hadlay samba ayaa shegay inuu jiro weerarkaasi balse aysan xaqiiji Karin qasaaraha rasmiga ee ka dhashay weerarkaas.
Wali majirto cid ka madax banaan Al-shabaab oo xaqiiji karta iney magaalada muqdisho ku dileen sadax askari halka tira intaa ka badana ay ku dhaawacen weeraro ay u adeegsadeen bam- gacmeedyo.

