Maxkamadeyntii Siyaasi C/raxmaan C/shakuur Warsame oo Dib Loo Dhigay

0

Waxaa dib loo dhigay Maxkamadeyntii Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo galabta lagu waday in ay ka dhacdo xarunta Maxakamadda Gobolka banaadir ee Degmadda Xamar weyne.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xeer ilaalinta u qabtay Muddo 24-saac ku keento  caddeymo eedeymaha lagu soo oogay.

Qareenka u doodaya C/raxmaan C/shakuur oo lagu magacaabo Avv. Tahliil Xaaji ayaa u sheegay idaacadda simba in lagu soo wargeliyay Maxkamaddii galabta ay dib u dhacday maalinta berri.

Sababaha dib loogu dhigay maxkamadeynta ayaa waxa ay  tahay in warqadii amarka Maxkamadda ee lagu faray in muddo 24 saac lagu keeno caddeymo in loo geeyay Xeer Ilaalinta saaka 8-dii subaxnimo, sidaas darteed ay muddada waqtiga loo geeyay ay ka bilaabaneyso 24-ka saac, kuna egtahay maalinta berri 8-da subaxnimo

Magaaladda Muqdisho waxaa saacadihii aynu soo dhaafnay ka dhacay Kulamo siyaasadeed kuwaasi oo loogu hadlayay arrinta xarigga.

Sidoo kale waxaa la sheegay in qaar ka mid ah Madaxweynayaasha maamul goboleedyada, sida Galmudug iyo Hirshabeelle ay ku booqdeen C/raxmaan C/shakuur Xabsiga xarunta Nabad Sugida ee Habar Khadiijo.

Dhinaca kale waxaa suura geli waayay isku day damiin ah oo rag siyaasiyiin ah iyo Madaxweynaha Galmudug ay wadeen, hase ahaatee waxaa la sheegayaa inuu diiday siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here