Ciidamada Dowladda oo Weeraray Hoyga C/raxmaan C/shakuur Dhaawacna u Geystay

0

Ciidamada Dowladda Federaalka Somaliya, waxay xalay  weerar abaabulan ay ku qaadeen hoyga uu Magaalada Muqdisho ka degan yahay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Ciidamada Dowladda oo watay gaadiidka dagaalka, ayaa waxay weerarkan qaadeen xilli uu hoygaasi ku sugnaa Siyaasiga uu bartilmaameydku ahaa.

Ciidamada, ayaa iska caabin kala kulmay ilaaladii C/raxmaan C/shakuur, iyadoona uu weerarkan dhacay xilli inta badan dadka reer Muqdisho ay hurdeen.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame uu ku dhaawacmay iska hor imaadka,islamarkaana afar kamid aheyd ilaaladiisa lagu dilay weerarka.

C/fitaax Ibraahim Geeseey oo ka Tirsan baarlamaanka Soomaliya islamarkaana saaxiib la ah siyaasiga ayaa sheegay in dhaawaca soo gaaray C/raxmaan C/shakuur  uu yahay mid fudud oo dhanka gacanta ah islamarkaana uu isaga ka xiray.

Xaaladda ayaa hadda degan iyadoo aanay jirin wax rasaas ah oo dhaceysa subaxnimadaan saakay, wuxuuna iska hor imaadku qaatay muddo 10 daqiiqo ah oo rasaas xoog leh laga maqlay agagaarka Garoonka Magaaladda Muqdisho.

Lama oga cidda bixisay amarka lagu weeraray xalay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo si weyn u dhaliila madaxda Dowladda Federaalka Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here