Akhriso:-Maamuladda Puntland iyo Galmudug oo Heshiis Ku Gaaray Magaaladda Gaalkacyo

0

Magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug waxaa heshiis kuwada gaaray Maamuladda puntland iyo Galmudug, kuwaasi oo la xiriira nabadeynta Magaaladaas.

Goobta heshiiska lagu saxiixayay waxaa ku sugnaa taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaliya C/wali Jaamac Gorod,taliyaha Ciidamadda Xoogga Puntland, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Magaaladda Gaalkacyo.

Dadka saxiixay heshiiskan waxaa  ka mid ah.

Guddoomiyaasha labada dhinac, 2da duq magaalo ee gaalkacyo iyo Odoyaasha dhinacyada Galmudug iyo Puntland ee magaaladaGaalkacyo.

Hishiiskuna waxaa uu ka kooban­yahay qodobadaan soo socda:

1 – In la sameeyo Guddi labada dhinac ah oo ka shaqeeya Nabad­galyada Gobolka Mudug,

gaar ahaan magaalada Gaalkacyo

2 – In dhammaanba jidgooyooyinka la qaaday shalay oo taariikhdu ku beegnayd 16 Dec

2017 Sabti isla markaana ay waajib ku tahay labada dhinac in shacabka Gaalkacyo ay si

nabad iyo xasillooni ah u adeegsadaan wadooyinka muhiimka ah ee horay u xirnaa laga

bilaabo taariikhda maantay ah ee hishiiskaan la saxiixay.

3 – In la diyaariyo ciidan isku dhaf ah oo si rasmi ah u suga Nabadgalyada Gobolka Mudug.

4 – in baraha ay joogaan ciidamada Maleeshiyaadka ah ay sidii horayba loogu balamay ay

baneeyaan, mas’uuliyada goobaha la baneeyayna ay tahay mid saaran ciidanka Isku dhafka ah.

5 – In goobaha ay joogaan Meleeshiyo Beeleedyadu ee deegaamada daaqsinka ah (Miyiga)

ay ku kala sugnaadaan goobahooda inta xal waara laga gaarayo, isla markaana waxaa

kormeeraya deegaannadaas ciidanka isku dhafka ah ee labada maamul iyo Ciidanka

Xoogga Dalka Soomaaliya.

6 – in qof­waliba uu xaq u leeyahay in uu dhisto dago, iibsado, kuna ganacsado gurigiisa,

aanna laga hor­istaagi karin dhinac kasta oo uu ku yaalo.

7 – in la joojiyo wararka colaadaha hurinaya,

8 – In dhammaan maamullada gobolka Mudug, ganacsatada iyo qaybaha kale duwan ee

bulshadu ay gacan ku siiyaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, Booliska iyo Nabadsugida,

gudashada waajibaadkooda sugida ammaanka magaalada Gaalkacyo.

9 – In labada Guddoomiye Gobol iyo degmo ay si wadajir ah uga wadashaqeeyaan sugida amniga gobolka Mudug.

10 – Talyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu ballan­qaadayaa in uu adkeyndoono

Nabadda la wadaqaatay haddii Alle idmo.

11 – Ma’uuliyiinta Hishiiskaan saxiixay waxay ka codsanayaa Talyaha Ciidanka Xoogga

Dalka Soomaaliyeed in uu ku wareejiyo sugida Amniga Gobolka Mudug ciidanka isku dhafka

ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ee ku sugan gobolka Mudug marka la sameeyo, si ay u

hantaan Nabadgalyada Gobolka Mudug.

F.G – Hishiiskaan wuxuu dhaqan­galayaa marka la wada saxiixo, waana la saxiixay, dhinicii

jabiyana hishiiskaan, waxaa loo aqoonsanayaa Nabad­diid, waxaana laga qaadayaa

tillaabada ku habboon sida sharcigu qabo.

Saxiixayaasha Hishiiskaan waxay ka kooban yihiin 26 qof oo 10 iyo 10 ah, iyo 6 gab­dhood

oo 3 iyo 3 ah. Waxaa sidoo kale hishiiskaan saxiixay labada Guddoomiye ee Mudug, Iyo

Labada Guddoomiye degmo ee magaalada Gaalkacyo.

Waxaa hishiiskaan goob­joog ka ahaa,

– Talyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas General C/wali Jaamac Xuseen Gorod.

– Talyaha Ciidamada difaaca Puntland Sareeye Guud General Siciid Maxamed

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here