Ciidamada Oromadda ee Ismaamulka Somali-da Ethopia ayaa toogasho ku dilay 65-qof Soomalia ah tuullada Gadule ee hoostagta degmada Darullow.
Cabdirisaaq Maxamed oo ah Madaxa Warfaafinta deegaanka bariga Harerge ee dowlad gobolleedka Oromada ayaa u sheegay afafka Oromada, Tigreega iyo Axmaaradda ee VOA in tirada lagu dilay weerarka ay yihiin 14 qof.
Waxa uu sheegay in weerarkan uu ka dhashay duullaan ay ciidamada Liyuu Boliiska ee deegaanka Soomaalida ku qaadeen deegaan-ka Gadule oo ay ku dileen Askari iyo qof kale.
Qaar kamid ah dadka deegaanka uu weerarka ka dhacay ayaa sheegay in Ciidamada Oromadda ay toogasho ku dileen 65-qof kadib markii ay ku weerareen guri ay ku sugnaayeen.
Dhulka ay wada dagan yihiin Oromada iyo Soomaalida Wadanka Itoobiya ayaa dhowr jeer waxaaa ka dhacay Dagaal Dad badan ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.
Dhawaan Dowladda Federaalka dalka Itoobiya waxaa ay u sheegtay in ay Xakameysay isku-dhacyadii dhexmaray Qoomiyadda Oromada iyo Soomaalida Itoobiya oo dhowr jeer wada dagaalamay.

