Taliyaha milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in aysan waxba kala socon eedeyn musuqmaasuq la xiriirta, taasoo keentay in xukuumadda Maraykanku ay ku dhawaaqdo inay joojisay lacagihii ay ku taageeri jirtay milateriga Soomaaliya.
Taa beddekeeda wuxuu sheegay Jeneraal Cabdiweli Jaamac Gorod in dhaqaale ahaan ay iyagu isku tashan doonaan, wax saamayn ahna aysan ku yeelan doonin.
Jananka ayaa waraysi uu BBC siiyey wuxuu sidoo kale kaga warramay waddooyin ay isaga iyo mas’uuliyiin kale dib uga fureen magaalada Gaalkacyo, kuwaasoo ku xirmay dagaallo hore halkaa uga dhacay.
“Arinta wadooyinka la furay ee Magaladda Gaalkacyo dhibaato badan kalama kulmin, shacabka ayaan kala tashanay oo sidaas ayaan ku qaadnay jidgooyooyinkii,dhanka kale waxaa doonaynaa maalmaha soo socda in maxjarka ku yaala magaaladda gaalkacyo in la dhigo saldhiga Ciidamada Xoogga dalka Soomaliya”, ayuu yiri Taliye Gorod.
Sidoo kale Taliyaha milateriga Soomaaliya Jeneraal Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa ka hadlay dhaqaalaha la sheegay in Dowladda Mareykanka ay ka jartay Ciidamadaa Xoogga dalka Soomaliyeed kadib markii lagu helay musuq-maasuq.
“Arinta lacagaha laga hakiyay Ciidamadda Xoogga dalka Soomaliyeed arintaas waan maqlay, hadii musuq-maasuq uu jiro iyo hadii kale waa wax aniga iga horeeyay,waxaan sameyn doonaa baaritaan, balse dhaqaalaha la hakiyay saameyn naguma yeelan doonto, dowladda Somaaliya way isku filantay”, ayuu yiri Jeneraal Cabdiweli Jaamac Gorod.
Dhawaan Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in la hakiyay dhaqaalihii la siin jirey Ciidamadda Xoogga dalka Soomaliyeed kadib musuq-maasuq la ogaday in uu jiro.

