Madaxweyne Farmaajo oo La Kulmay Amiirka Dalka Qatar

0

Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed  C/llaahi  Farmajo iyo Amiirka Dalka Qatar Emiir  Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani ,ayaa kulan gaar ah oo looga hadlay  qodobbo dhowr ah ku yeeshay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Kulankaasi oo dhinac socday  shirka Dalalka Islaamka ee ka dhacay Dalka Turkiga,waxaa labada dhinac ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeya Wadamada Soomaaliya iyo Qatar, gaar ahaan xoojinta xiriirka labada Dal iyo horumarinta barnaamijyada wax ku oolka ah ee xagga horumarka.

Madaxweyne Farmaajo,waxa uu kulankaasi uu la qaatay Amiirka Dalka Qatar uga mahad celiyay taageerada ay u fidiyaan Dowladda Soomaaliya iyo dadaalka ay ugu jirto in la gaaro wax qabad  ku saleysan Dal nabad ah oo ka shaqeeya horumarkiisa.

Kulankaasi waxaa kaloo ka qeybgalay qaar ka mid ah madaxda ka  socotay Dalka Qadar iyo Soomaaliya,sida Wasiirro oo wehelinayay safarka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here