In ka Badan 12 Ruux Oo Ku Geeriyootay Gudaha Magaaladda Baledweyne

0

Wararka ka imaanaya magaalda Baledweyne iyo deegaannada hoos yimaada ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 12 qof oo uu soo ritay cudurka shuban biyoodka.

Cudurkaan oo maalma ka hor ka dilaacay Baledweyne, ayaa wararku waxay sheegayaan in dadkaasi ay ku dhinteen isbitaalka guud ee degmadaasi qaarkoodna deegaanada hoos yimaada.

Dadka dhintay marka laga soo tago waxa kaloo jira dad kor udhaafaya 90 ruux ay ujiifaan Cudurkaasi Tuulooyin hoostaga Degmada qaarkoodna ay yaalaan isbitaalka halka kuwa kale lagu dabiibayo xaafadaha maadama dadka qaar ay yihiin kuwa dan yar oo aan awoodin iney tagaan isbitaalada ama Magaalada Baledweyne ee Gobalka Hiiraan.

Wararka ayaa intaa ku daraya, in laga cabsi qabo in tirada cudurka uu soo ridanaayo ay intaa ka sii kororto daryeelka caafimaad oo aad u liita awgeed.

mid kamid ah ehelada dadka uu soo ritay cudurka oo la hadlay idaacada Simba ayaa sheegay iney halkaasi ka jirto xaalad xun maadama Magaalada uu ka dilaacay cudurka suban biyoodka.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa ka dilaacay gobolka Hiiraan cudurka shuban biyoodka waxaa uuna soo ritay dad badan oo is kugu jira caruur iyo da’ waxaana u dheer cudurka nafaqo darro baahsan oo ay dadkaani la il daranyihiin taasi oo sii xoojineyso inay kororto dhimashada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here