Dowladda Uganda oo Bilaabaysa in Ciidamadii Ugu Horeeyay Kala Baxdo Soomaliya

0

Dowladda Ugnada ayaa sheegtay in ay  bilowday in ay la baxdo ciidamadeeda nabad ilaalinta ee ka howlgala gudaha dalka soomaaliya kuwaa oo tiradoodu ay kor u dhaafeyso 6,000 oo askari.

Waxaana Milatariga Uganda uu sheegay in 281 kamid ah ciidamadooda ka howlgala  soomaaliya kuwaa oo katirsan howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa in dalka Soomaaliya ay kabaxayaan.

Afhayeenka military-ga dowlada Uganda Brig. Richard Karemire oo la hadalay  wakalaada wararka shiinaha ee Xinhua ayaa waxa uu u sheegay in wajiga 1-aad ee bixitaanka howlgalka midowga Africa in uu dhameystirmi doono waxaana uu tilmaamay in 1,000 askar oo kamid ah howlgalka AMISOM in ay dalka ka baxayaan si loo meel mariyo xeerka qaramada midoobay ee ka bixitaanka ciidamada AMISOM ee soomaaliya kaa oo ku eg 31-December.

Waxaana uu sheegay in ciidamada dowlada Uganda ay horay u bilaabeen in dalka ay isaga baxaan, sida golaha amaanka qaramada midoobay xeerkooda 2,372-aad uu dhigayo.

Dowladaha kamidka ah howlgalka AMISOM ee kala ah Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia iyo Djibouti kuwaa oo kusugan koofurta iyo bartamaha soomaaliya ayaa dhameystiraya kabixitaankooda soomaaliya sanadka 2018.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here